NOO SHEEG SIDA AAD KU XALISAY

Naga caawi si aan u fahmno baahiyaha isbeddelaya ee Degmooyinka Benton, Sherburne, iyo Stearns

Ka qayb qaado

Thank you for your interest in the 2021 Regional Mobility Survey. This survey is now closed. Please contact us with any questions using the contact information provided below.

Ku saabsan xog-ururinta

Waa maxay Xogururinta Dhaqdhaqaaqa Gobolku?


Waxaan rabnaa inaan maqalno caadooyinkaaga gaadiidka maalinlaha ah. Sidee u safartaa? Intee in le'eg ayaad safartaa? Imisa jeer ayaad safar samaysaa? Hadafkeenu waa inaan helno muuqaal dhameystiran oo ku saabsan qaababka gaadiidka magaalada oo dhan si aan si fiican ugu qorsheyno hagaajinta mustaqbalka.


Waxaan aad u qiimaynaynaa ka -qaybgalkaaga xog-uruinta. Marka aad ka qayb gasho, waxa aad naga caawinaysaa in aanu fahano sida wadooyinka, gaadiidka dadweynaha, khadadka baaskiiladaha, iyo wadooyinka socodka lagu maro loo isticmaalo maanta, iyo sida loo hormarin karo si loo wanaajiyo safarada mustaqbalka. Talladaadu waxay leedahay saameyn weyn maxaa yeelay qoysas kooban ayaa lagu casuumay inay kaqeyb qaataan xog-ururinta.


Sahankan waxaa kafaala qaaday Ururka Qorsheynta Aagga Saint Cloud .


Survey area map

Wax su’aalo ah ma qabtaa? Halkan ka biloow.

Ku saabsan Daraasadda

Muxuu ku saabsan yahay daraasaddan?

Waxaan dooneynaa inaan barano sida, goorta, meesha, iyo sababta ay dadku ugu safraan ama ugu wareegaan gobolka magaalooyinka mataanaha ah. Waxaan kaa codsaneynaa inaad diiwaangeliso safarkaaga si aad nooga caawiso inaan fahamno qaababka gaadiidka gobolka. Kaqaybqaadashaada waxaad naga caawin kartaa qorshaynta horumarka gaadiidka mustaqbalka ee bulshadaada.

Maxaan uga qayb galaa?

Kaqeybqaadashadaadu waxay hubineysaa in qoysaska sida kuwaada oo kale ay kaqeybqaataan qorshooyinkayada gaadiidka gobolka. Talladaadu waxay leedahay saameyn weyn maxaa yeelay qoysas kooban ayaa lagu casuumay inay kaqeyb qaataan.

Sidee ayaa laygu xushay inaan kaqaybqaato?

Qoysaska la casuumay ayaa si aan kala sooc lahayn loogu doortay dhammaan degmooyinka Benton, Sherburne, iyo Stearns.

Yaa kafaala qaadaya daraasaddan?

Sahankan waxa kafaala qaaday Ururka Qorshaynta Aagga Saint Cloud iyaga oo kaashanaya degmooyinka Benton, Sherburne, iyo Stearns

Dhameystiraya Daraasadda

Waqti intee le'eg ayay qaadataa inaan ka-qaybqaato?

Waxay qaadataa ilaa 10 daqiiqo in layska qoro xog-uruinta. Markaad isqorto, waxaan ku siin doonaa tilmaamo aad ku gasho safarkaaga iyo dhameystirka xog-ururinta. Qoysaska ka gala safarkooda toddobada maalmood ablikeeshinka taleefoonka casriga ah,rMove, waxay ku qaadan doonaan qiyaastii 5-10 daqiiqo maalin kasta ayagoo ka warbixinayo safarkooda. Qoysaska ka soo gala safarkooda onlaynka ama khadka taleefanka waxay ku qaadan doonaan 10 daqiiqo xubin kasta oo reerka ka mid ah oo ka warbixinaya safarkooda hal maalin.

Maxaan helayaa markaan kaqaybqaato?

Waxaad heli doontaa kaarka hadiyadda marka dhammaan xubnaha qoyskaagu ay soo sheegaan socdaalkooda oo ay dhammaystiraan xog-ururintooda. Haddii qoyskaagu ka qaybqaato iyagoo adeegsanya app-ka telefoonka casriga ah, rMove , qof kasta oo weyn oo ka qaybgalaya wuxuu heli doonaa kaarka hadiyadda (tusaale, qoys leh laba qof oo waaweyn ayaa hela laba kaar oo hadiyad ah). Reeraha ku soo sheegaya safarkooda onlayn ama soo wacaya waxay heli doonaan hal kaar oo hadiyad ah.

Ka waran hadaana waxbadan aana safrin?

Qadar kasta oo safar ah (xitaa haddii aadan sameyn wax safar ah) waxay naga caawin doontaa inaan horumarino qorsheynta gaadiidka gobolka. Ha iloobin safarada gaagaaban, sida la lugeynta eeyga, sidoo kale tirinta. Gaarsiinta adiga, sida qaadista ama raashinka, ayaa iyaduna muhiim ah.

Ka waran haddii caadooyinka gaadiidkayga inta lagu jiro daraasadda aysan aheyn caadooyinkeyga caadiga ah?

Taasi wax dhib ah maahan - wali waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad kaqeybqaadato. Waxaan sidoo kale wax kaa weydiin doonnaa caadooyinkaaga caadiga ah ee safarka, sida safarkaagu isu beddelay sanadkii la soo dhaafay, iyo sida aad u maleynaysid inaad u safri doontid mustaqbalka.

Waxaa laygu casuumay inaan isticmaalo ablikeeshinka taleefoonla casriga ah rMove. Sidee ayay u shaqaysaa?

Ka dib markaad soo dejisato rMove oo aad iska diwaangaliso, rMove waxay galin donaan safaradaada hal toddobaad intaad ku guda jirto nolol maalmeedkaaga. Maalin kasta waxaa lagaa codsan doonaa inaad dhameystirto ra'yi uruurin maalinle ah oo kooban oo ku saabsan caadooyinkaaga safarka iyo sidoo kale sahaminta safarka ee ku saabsan safar kasta oo aad sameyso.

Natiijooyinka Xog-ururinta

Sidee loo ilaaliyaa asturnaantayda shaqsi ee gaarka ah?

Waxaa naga go'an inaan ilaalino sirta, sharafta, iyo amniga macluumaadkaaga qaaska ah. Waxaan u qaadaneynaa mas'uuliyaddan si adag. Siyaasadeena Asturnaanta waxaa loogu talagalay inay kaa caawiso inaad fahamto sida aan u ururino una ilaalino macluumaadkaaga. Si aad u akhrido dukumiintiyada gaarka ah ee sahanka, guji halkan .

Sidee loo adeegsadaa natiijooyinka xog-ururinta?

Natiijooyinka daraasaddu waxay ka caawin doontaa qorsheeyeyaasha maxalliga ah iyo kuwa gobolku inay fahmaan sida safarka maalinlaha ah ugu kala duwan yahay gobolka oo dhan. Maaddaama tiknoolajiyada iyo sida dadku u wareegaan ay isasii beddelayso, natiijooyinka daraasadda ayaa ka caawin doonta hay'adaha inay soo-jeediyaaan maal-gelinno gaadiid oo wax ku ool ah, soo-saaridda codsiyada deeqaha federaalka ee tartamaya, iyo mudnaanta sii hagaajinta ugu habboon baahiyaha gobolka.

Nala soo Xiriir

If you have questions about the survey, please contact the Saint Cloud APO by email at admin@stcloudapo.org or phone at 320-252-7568.